4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2020
Madaxweynaha Puntland oo ku amray laamaha gobolka Nugaal inay tallaabo ka qaadaan dadka amniga halista ku ah
 

Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa laamaha amniga iyo maamulka gobolka Nugaal ku amray inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo qalqal amni ku haysa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Madaxweyne Deni oo xalay kulan gaar ah la qaatay guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa faray in dadka lagusoo qabtay iyagoo gacmaha kula jira dambiyada aan lala sugin maxkamada lagana qaado tallaabo culus, sida uu sheegay guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal Qaasin Cabdi.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay madaxweynaha Puntland inuu aad uga xumaaday falalka amni xumo ee Garowe kusoo kordhay, isagoo saraakiisha amniga kula dardaarmay in aan naxariis loo gelin qaswadayaasha amniga laguna ciqaabo xukunka ay mudan yihiin.

Magaalada Garowe ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay amnigeedu habacsanaan ku yimid kadib markii ay bateen falalka amniga lidka ku ah oo ay kamid tahay dhaca loo geysanayo xarumaha ganacsiga iyo dadweynaha. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]