4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 20, 2020
Wasiir Axmed Fiqi oo booqday deegaanno ay ka howl-galaan macawisleyda Galmudug
 

Khamiis, Agoosto 20, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda ammaanka maamulka Galmudug Axmed Macallin Fiqi iyo  qaar kamid ah taliyayaal ka tirsan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda faderaalka ah ee maamulkaas ku sugan ayaa waxay booqdeen deegaanno ay kamid yihiin Tara-Guduud, Beer Cabdi Faarax, Galo, Faragoo, Beer Liiban Galle, Hog dugaag iyo Higlaale, iyadoo lagusoo gabagabeeyay socdaalka tuulada Gadoon.

Deegaannadaan ayaa ah kuwa laga difaaca Galmudug, islamarkaana ay ku suganyihiin ciidamada loo yaqaanno macawisley.

Wasiirka ammaanka Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa waxa uu sheegay in Galmudug ay ka go’antahay sidii loo tayeeyn lahaa ciidamadan, oo suura-gal ka dhigi kara in guud ahaan deegaanno badan oo Al-shabaab ay ka taliyaan in lagala wareego.

Taliyayaashii kala duwanaa ee ciidamada dowladda ee la socday ayaa dhankooda waxay ammaan usoo jeedinyeen Ciidamadan oo iskood isku abaabulay. Saraakiisha ayaa sidoo kale ballan qaaday iney garab istaagayaan.

Deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan, Galgaduud , Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose ayaa waxaa ka dagaallamo maleeshiyaad iskood isku abaabulay oo la yiraahdo macawisley oo la dagaallama Al-shabaab.

Maleeshiyadaas oo ah dadka deegaanka ayaan si rasmi ah mar uga qaadan maamullada ay ay ku suganyihiin, laakiin waxaa howl-galladooda bogaadiya madaxda ammaanka ee deegaannada ay ka howl-galaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]