3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Aug 19, 2020
Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gaartay shirkadda dekadda Muqdisho maamusha
 

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda marwo Maryan Aways Jaamac iyo shirkadda maamusho dekadda weyn ee Muqdisho Albayrak.

Waxaa madasha lagu kala saxiixday heshiiska joogay sii hayaha wasiirka maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Heshiiska dhinacyadan ay kala saxiixdeen ayaa waxa uu ku saabsanyahay hannaanka shaqo ee dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.

Inkastoo warbaahinta aysan si rasmi ah u helin , micnaha rasmiga ah ee heshiiskaan , haddana waxaa la sheegay in labadii sano ee ugu dembeysay uu ku socday dib u’eegis .

Meelaha ugu badan ee uu dhaqaalaha xooggan kasoo galo dowladda Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah dekadda maagalada Muqdisho.

Hase-ahaatee waxaa heshiiskaan la gaaray xilli xukuumadda hadda shaqeyneysa kalsoonidii lagala laabtay. Lana filayo in dhowaan la magacaabo ra’iisul wasaare cusub oo soo dhisi doono gole cusub ee xukuumadeed.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/19/2020 3:20 PM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aan dalka looga eryayo madaxa ugu sareeya hay’adda care International xafiiskeeda Soomaaliya Iman Cabdulaahi.

8/19/2020 1:17 PM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagusoo dhoweeyay wakiilka dowladda Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Saciid Maxamed Jabriil, sida ilo ku dhow maamulka ay u sheegeen shabakadda Hiiraan Online.

8/19/2020 1:08 PM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - War kasoo baxay Somaliland ayaa looga jawaabay aragtiyadii isku midka ahaa ee dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku saabsanaa heshiiskii dhinaca diblumaasiyadda ee dhowaan ay gaareen Somaliland iyo Taiwan , islamarkaana sababay in la is weydaarsado xafiisyo labada dhinac ah.

8/19/2020 12:27 PM EST
Minnesota waxaa lagu soo gabagbeeyey tartan quraan oo uga socday in ka badan 450 arday oo ka kala yimi goboladda maraykanka ,

8/19/2020 10:56 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilalkii ka qaaday taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Korneel Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) waxaana xilkaasi loo magacaabay Korneel Maxamuud Xasan Ibraahim, Baakaay oo horay u ahaa taliyaha guutada 22-aad.

8/19/2020 10:44 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Beesha caalamka oo ay ku midaysan yihiin ururo iyo dalalka ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay in madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd.

8/19/2020 5:11 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka ee bixiya gargaarka naf-badbaadinta ah ee loogu talagalay carruurta nugul, haweenka iyo ragga..

8/19/2020 4:07 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Barnaamijka caalamiga ah ee dambiyada abaabulan, ayaa sheegay in ay heleen cadaymo la rumeysan karo oo sheegaya in Iran ay hub siiso mucaaradka sokeeye ee Yemen, laakiin shabakadaha dambiilayaasha laga yaabo inay hubka ka ganacsadaan dhanka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/19/2020 3:44 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Guddiga gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha Baledweyne ayaa sheegay iney soo afjareen wajiga koowaad ee la tacaalista iyo ka hortagista biya xiraanka fatahaadda Wabiga Shabelle.