3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 19, 2020
Wiil Sooomaaliyeed oo Maraykanka Tartan Quraan ku guulaystay $10,000 oo cash ah & Gaari 2020 Toyota Highlander ah

Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) -Minnesota waxaa lagu soo gabagbeeyey tartan quraan oo uga socday in ka badan 450 arday oo ka kala yimi goboladda maraykanka ,

Tartankaan Imaam Shatibi ayaa sanad walba lagu qabtaa gobolka Minnesota waxaanu sanadkaan noqday kii lixaad ee loo qabto ardayda baranaysa Quraanka kariimka ee ku dhaqan waqooyiga America.

Iyadoo xilgaan adag ee Covid 19 uu jiro ayaa tartankaan loo qabtay nidaamka duwan sidii hore loogu qaban jiray , waxaana saacad walba imaanayey in ku dhow 10 qoys oo uu ardaygoodu markaa imtaxaanka maraayo.

Tartankaan imaam shatibi ayaa sanad walba ardayda ay ku tartamaan dhawr qaybood oo kala ah Juska kowaad ee quraaanka oo ay ka qaybgalaan arday aad u d’a yar 5 jus , 10 Jus, 15,jus iyo 30 Jus oo sanadahaan loo kala saaray wiilal & gabdho



Tartankaan oo socday lix cisho ayaa habeen hore lagu soo gabgabeeyey goobtii uu ka socday ee John F. Kennedy High School .

Sanadkaan waxaa xiiso lahaa in abaalmarino kala duwan oo qaaliya ay ardaydu si lama filaan ah ugu guulaysteen,waxaa xusid mudan in ardayda gabdhaha ah ee ka qaybgalay Juzka 1aad & 5aad ay sanadkaan heleen gabadh walba oo tartanka qayb ka aheed waxay heshay silsilad dahaba oo magaceeda lagu xardhay.

Sanad kasta ardayda kaalimaha hore gala waxaa lagu abaalmariyaa lacag kala qiimo duwan & safar lagu geeyo magaalooyinka  baraysan ee makah al mukarama & m,adina oo ay ku soo gutaan cumrada sandkaas

Hadaba sanadkaan 2020 waxaa dhanka gabdhah ku guulaytay Raxma  Qaasim Maxamed oo heshay $10,000 (toban kun) oo lacagta Dollarka Maraykanka ah dhanka Wiilashana waxaa helay Cabdulahi Bashir Maxamed oo tartankaan 2015kii ku bilaabay in kaga qayb qaato tartanka qaybta 5 Jus, Cabdulaahi sanadkaan waxuu helay kaalinta kowaad , intaa kadib waxaa tartan aan lagu kala saarayo raxma & Cabdulahi ayaa goobta ka dhacay waxaan Cabdulaahi Bashir uu ku guulaystay Baabuur Cusub oo qiimo ahaan dhan $40.000 oo dollar , waxaana lagu wareejiyey furaha gaarigaas abdulaahi,

Waxyaalaha sanadkaan aadka u qiimo badnaa waxaa ka md ah in hal gabar oo ganacsato ah ay baxisay abaalmarinta lacageed ee helaan gabdhaha tartanka sodonka jus ku guulayta oo dhan labaatan kun oo dollar Amalina oo suuqa Karmel ku leh dukaan ayaa ku deeqday lacagtaas sanadkaan.

Tartaankaan qarashaadka ku baxa waxaa baxiya shaqsiyaad is xilqaamay oo ku nool Maraykanka iyo dalal kale, waxaana la oron karaa waa mashruuca ugu wayn ee ay si iskaa wax u qabso ah u hogaamiyaan dadka Soomaaliyeed ee Minnesota dagan.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
MPLS ,MN













Click here
8/19/2020 3:20 PM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aan dalka looga eryayo madaxa ugu sareeya hay’adda care International xafiiskeeda Soomaaliya Iman Cabdulaahi.

8/19/2020 1:17 PM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Hargeysa lagusoo dhoweeyay wakiilka dowladda Itoobiya ay usoo magacowday Somaliland Saciid Maxamed Jabriil, sida ilo ku dhow maamulka ay u sheegeen shabakadda Hiiraan Online.

8/19/2020 1:13 PM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Muqdisho heshiis ku kala saxiixday wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda marwo Maryan Aways Jaamac iyo shirkadda maamusho dekadda weyn ee Muqdisho Albayrak.

8/19/2020 1:08 PM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - War kasoo baxay Somaliland ayaa looga jawaabay aragtiyadii isku midka ahaa ee dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku saabsanaa heshiiskii dhinaca diblumaasiyadda ee dhowaan ay gaareen Somaliland iyo Taiwan , islamarkaana sababay in la is weydaarsado xafiisyo labada dhinac ah.

8/19/2020 10:56 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidamada Xooga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa xilalkii ka qaaday taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Korneel Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin) waxaana xilkaasi loo magacaabay Korneel Maxamuud Xasan Ibraahim, Baakaay oo horay u ahaa taliyaha guutada 22-aad.

8/19/2020 10:44 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Beesha caalamka oo ay ku midaysan yihiin ururo iyo dalalka ku lugta leh arrimaha Soomaaliya, ayaa soo dhoweeyay in madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka ay magaalada Dhuusamareeb gaareen 15kii bishan Agoosto, si ay u billaabaan kulankooda xiga, sida qorsheysnayd.

8/19/2020 5:11 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la ilaaliyo shaqaalaha gargaarka ee bixiya gargaarka naf-badbaadinta ah ee loogu talagalay carruurta nugul, haweenka iyo ragga..

8/19/2020 4:07 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Barnaamijka caalamiga ah ee dambiyada abaabulan, ayaa sheegay in ay heleen cadaymo la rumeysan karo oo sheegaya in Iran ay hub siiso mucaaradka sokeeye ee Yemen, laakiin shabakadaha dambiilayaasha laga yaabo inay hubka ka ganacsadaan dhanka geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya.

8/19/2020 3:44 AM EST
Arbaco, Agoosto 19, 2020 (HOL) - Guddiga gurmadka xaalka waara ee fatahaadaha Baledweyne ayaa sheegay iney soo afjareen wajiga koowaad ee la tacaalista iyo ka hortagista biya xiraanka fatahaadda Wabiga Shabelle.