4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 18, 2020
COVID19 ayaa sababy in eey ku dhintaan 13 qof isbuucaan Minnesota


COURTESY: University of Minnesota School of Public Health


Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - 7 qof oo dheeri ah ayaa ku darsantay tirada dadka la hubo in ay u dhinteen ilaa iyo hadda COVID-19 ee Minnesota taa soo ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada 13 dhamaadka usbuucii ugu dambeeyay.

Dhammaan dadka dhintay waxay ahaayeen kuwo da’dooda ka weyn tahay  50 sano, qofka uga da’weyna waxa uu ahaa 90 sano jir.

Tirada dhimashada gobolka ayaa ilaa hadda ah 1,706. Dadkaas dhintay badankood waxay ahaayeen waayeello deggan guryaha daryeelka muddada-dheer. Toban ka mid ah 13-kii dhintay Sabti iyo Axadii la soo dhaafay waxay ku noolaayeen xarumaha daryeelka muddada-dheer.

Iyada oo gobolku bilaabay in uu fududeeyo xayiraadaha gaarka ah ee loogu talagalay cudurkan, dalka waxaa ku soo kordhay xaalado aad u daran oo ku saabsan kor-u-kicida tirada dhallin-yarada da'doodu u dhaxayso 20 ilaa 29 ee xannuunkan ku dhacay. Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (WCM) ayaa diiwaangelisay in tirada dhallinyarada ee xannuunkan ku dhacay gaareen 15, 163 qofood.

WCM ayaa sheegtay Axadii in tirada dadka la xaqiijiyay ee uu ku dhacay COVID-19 ee gobolka gaaray 65,152, ayadoo ay in gaaraysa 739 ku darsantay Sabtiga. Ilaa iyo hadda waxaa la rumaysan yahay in cudurkaasi ay ka soo bagsoodeen  dad tiradooda gaaraya 58,196.

Waaxda caafimaadka ayaa intaa ku dartay in 5,851 reer Minnesota ah oo ku dhacay COVID-19 la geeyay isbitaal, iyadoo 290 ay wali ku jiraan isbitaalka. Waxay sheegtay in 152 ka mid ah bukaannadaas lagu daweynayo qeybta daryeelka degdegga ah.

Warbixintii Axadda ayaa lagu soo gabagabeeyey in tirada dadka isbitaalka loo dhigay COVID-19 ee Minnesota ay hoos uga dhacday 300 qofood markii ugu horreysay tan iyo 30-kii Luulyo ee sannadkan.

Hiiraan Online News Disk