3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Waddooyinka hal bawlaha u ah Itoobiya oo maanta xidhan
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Dhalinyarada lamagac baxday Qeerro ee degaanka Oromiya ayaa maanta oo Talaado ah sameeyay inay xidhaan waddooyinka waawayn ee degaankooda dhex mara, taas oo ay uga dan leeyihiin inay joojiyaan isu socodka gawaadhida iyo dadka.

Sababta ka dambaysa jidadka la xiray ayay dhalinyarta Qeerro ku tilmaameen inay ku cabbirayaan sida ay uga xun yihiin xadhigga siyaasiyiin magac wayn kuleh gudaha degaanka Oromiya oo uu kamid yahay Jawhar Maxamed.

Dhinaca kale dawladda Itoobiya ayaa shacabka uga digtay inay ka qayb qaataan rabshadaha iyo banaanbaxyada ay qorshaynayaan dhalinyarada Qeerro inay maanta ka hirgaliyaan degaanka Oromiya.

Ciidamo aad u tiro badan oo kamid ah kuwa qaranka ee Itoobiya ayaa shalay galinkii dambe ilaa xalay kusii qulqulayay magaalooyinka waawayn ee degaanka Oromiya oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan rabshado ay sameeyaan dhalinyarada Qeerro.

Degaanka Oromiya ayaa ku yaal badhtanka Itoobiya, sidoo kale waddooyinka hal bawlaha u ah Itoobiya iyaguna waxay maraan degaanka Oromiya, marka ay rabshado ka bilowdaan degaanka Oromiya waxaa xidhma guud ahaan isu socodka dalka Itoobiya.

Arrimahan ka dhacaya Itoobiya ayaa kusoo hagaagaya xilli qawmiyado kamid ah Itoobiya ay rabaan inay degaan gaar ah noqdaan dawladduna ka diidan tahay iyadoo laga cabsi qabo burbur ku yimaadda dalka.

Abiyi Axmed Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa in badan ku celceliyay inay Itoobiya burburin karin koox yari,  dalkuna yahay mid lawada leeyahay.

Lama garan karo waxa ay ku dambayn xaaladda adag ee maanta ka jirta dalka Itoobiya, iyadoo Qeerro ay ku adkaysanayso inay xidhaan waddooyinka, dawladduna ay ballan ku qaaday inay tallaabo ka qaadayso cid kasta oo isku dayda inay waddooyinka xirto ama  rabshado samaysa.

Hiiraan Online News Disk












Click here
8/18/2020 3:03 PM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta galinkii dambe ka dhacay albaabka laga galo garoonka kubadda cagta laqanyo oo ku yaala Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/18/2020 2:18 PM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Taiwan inay ku xadgudubtay Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay xafiis diblumaasiyadeed ay ka furatay Somaliland.

8/18/2020 11:53 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Qarax la sheegay inuu yahay nooca dhulka lagu aaso aya goordhaw ka dhacay garoonka kubadda cagta Laqanyo Satdium ee Magaalada Baledweyne.

8/18/2020 6:47 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Ayax tiro badan oo malaayiin ah ayaa ku degey magaaladda Hargeysa, meelo ay kamid yihiin madaxtooyadda Somaliland iyo wasaaradda beeraha ayuu si weyn ugu habsadey.

8/18/2020 6:29 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - 7 qof oo dheeri ah ayaa ku darsantay tirada dadka la hubo in ay u dhinteen ilaa iyo hadda COVID-19 ee Minnesota taa soo ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada 13 dhamaadka usbuucii ugu dambeeyay.

8/18/2020 5:38 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho waxaa shaqadii laga fariisiyay taliyaha ciidamada booliska ee degmada Cabdicasiis, Axmed Baashane, waxaana sidoo kale la amray in lasoo xero askartii ku sugneyd baraha koontaroollada degmadaas, maalintii uu dhacay qaraxii iyo weerarkii lagu qaaday hotel-ka Elite ee magaalada Muqdisho.

8/18/2020 5:33 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleed Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dilkii xalay loogu geystay magaalada Jowhar wasiirkiisii beeraha, oo xalay rag hubeysan ay ku toogteen meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda u ah maamulkaas ee Jowhar.

8/18/2020 5:31 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Wararka kasoo baxaya magaalada Baydhaba ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay toogteen laba nin oo loo haaysatay falal kufsi, sida ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay innoo sheegeen.

8/18/2020 2:42 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu sii diyaarsaday qorshihii uu ku fashilin lahaa shirka magaalada Dhuusomareeb ee doorashada looga tashanayo.

8/18/2020 1:41 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FOA, ayaa digniin ka bixisay webiga Shabeelle ee mara magaalada Baladweyne, kadib markii Heerka webiggu uu aad sare maray heerkiisa, gaarayna 7.17m.