3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 18, 2020
Hay'adda FOA oo soo saartay digniin sare oo ku saabsan webiga Shabeelle ee mara Baladweyne
 

Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Hay’adda cuntada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FOA, ayaa digniin ka bixisay webiga Shabeelle ee mara magaalada Baladweyne, kadib markii Heerka webiggu uu aad sare maray heerkiisa, gaarayna 7.17m.

Hay'addu waxay tilmaamtay Maaddaama biyo badan ay ka soo qulqulayaan buuraha Itoobiya, inay jirto halis sare oo fatahaad ah.

FAO waxay digniin degdeg ah u dirtay bulshooyinka ku nool dhulka webiyada, sida Baladweyne, Buulo Burte iyo Jalalaqsi.

Gobolka Hiiraan ayaa aad ah ugu nuqul fatahaada webiga Shabeelle, waxaana labadii sano ee ugu dambeysay webigu khasaare ba’an u geystay boqolaal qoys oo ku noolaa magaalada Baladweyne iyo degaano kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/18/2020 3:03 PM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay qarax miino oo maanta galinkii dambe ka dhacay albaabka laga galo garoonka kubadda cagta laqanyo oo ku yaala Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

8/18/2020 2:18 PM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Taiwan inay ku xadgudubtay Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay xafiis diblumaasiyadeed ay ka furatay Somaliland.

8/18/2020 11:53 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Qarax la sheegay inuu yahay nooca dhulka lagu aaso aya goordhaw ka dhacay garoonka kubadda cagta Laqanyo Satdium ee Magaalada Baledweyne.

8/18/2020 6:47 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Ayax tiro badan oo malaayiin ah ayaa ku degey magaaladda Hargeysa, meelo ay kamid yihiin madaxtooyadda Somaliland iyo wasaaradda beeraha ayuu si weyn ugu habsadey.

8/18/2020 6:29 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - 7 qof oo dheeri ah ayaa ku darsantay tirada dadka la hubo in ay u dhinteen ilaa iyo hadda COVID-19 ee Minnesota taa soo ka dhigaysa tirada guud ee dhimashada 13 dhamaadka usbuucii ugu dambeeyay.

8/18/2020 5:38 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta maxalliga ah ee magaalada Muqdisho waxaa shaqadii laga fariisiyay taliyaha ciidamada booliska ee degmada Cabdicasiis, Axmed Baashane, waxaana sidoo kale la amray in lasoo xero askartii ku sugneyd baraha koontaroollada degmadaas, maalintii uu dhacay qaraxii iyo weerarkii lagu qaaday hotel-ka Elite ee magaalada Muqdisho.

8/18/2020 5:33 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Dowlad Goboleed Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay dilkii xalay loogu geystay magaalada Jowhar wasiirkiisii beeraha, oo xalay rag hubeysan ay ku toogteen meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yaalla magaalada caasimadda u ah maamulkaas ee Jowhar.

8/18/2020 5:31 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Wararka kasoo baxaya magaalada Baydhaba ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay toogteen laba nin oo loo haaysatay falal kufsi, sida ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ay innoo sheegeen.

8/18/2020 2:42 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu sii diyaarsaday qorshihii uu ku fashilin lahaa shirka magaalada Dhuusomareeb ee doorashada looga tashanayo.

8/18/2020 2:10 AM EST
Talaado, Agoosto 18, 2020 (HOL) - Dhalinyarada lamagac baxday Qeerro ee degaanka Oromiya ayaa maanta oo Talaado ah sameeyay inay xidhaan waddooyinka waawayn ee degaankooda dhex mara, taas oo ay uga dan leeyihiin inay joojiyaan isu socodka gawaadhida iyo dadka.