4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Guddiga kasoo tal bixinta doorashada oo warbixin u gudbiyay madaxweyne Farmaajo iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Ka-baaraan degga doorashooyinka dalka.

Guddigaan oo uu madax u yahay sii haya wasiirka dastuurka Soomaaliya, ayaa warbixintooda ku saleeyay natiijada kasoo baxday kulamadii ay la qaatay bulshada qeybahooda kala duwan iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Wasiirka dastuurka ayaa sheegay inay aragti arurintooda xooga ku saarayeen suurtagalnimada doorasho hal qof iyo cod ah iyo sida loo wajihi lahaa xaqiiqooyinka jira ee aan laga gudbi karin.

 

Weli go’aan rasmi ah lagama gaarin waqtiga uu qabsoomayo shirka Dhuusomareeb, inkastoo madaxda intooda badan ay ku sugan yihiin Dhuusomareeb, hase yeeshee Puntland iyo Jubbaland ayaa maqan, kuwaas oo saluugsan sida ay u wax socdaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]