3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Afhayeenka ciiddanka booliiska Soomaaliya oo ka hadlay soo afjarida weerarkii hotel Elite
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa soo afjaray weerarkii Al-shabaab ku qaadeen hotel Elite, oo kamid ahaa hotelada ammaankooda aad loo ilaaliyo ee kuyaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

16 qof oo ay ku jiraan dableyda weerarka qaadday ayaa ku geeriyooday weerarkaan, halka ay ku dhaawacmeen 13 kale.

Afhayeenka ciidamada Booliiska gaashaanle Sidiiq Aadan Cali ayaa sheegay in la dilay 5 dagaalame oo hotelka gudaha u galay, Waxaa sidoo kale uu sheegay in lasoo badbaadiyay in ka badan 200 qof oo hotel ku go’doonsanaa.

afhayeenka ciiddanka booliiska waxa uu  sheegay in soo afjarida weerarka ay qaadatay saacaddo dheer, taasoo uu sheegay inay sabab u ahayd, iyadoo laga fogaanayay in khasaaruhu intaas kasii bato.

Ma sheegin tirada masuuliyiinta ku dhintay weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay.

Burbur aad u baaxad weyn ayaa soo gaaray hotelka, waxaana dhexdiisa lagu toogtay dad badan oo kamid ahaa shaqaalihii hotelka iyo dadkii nasashada usoo raadsaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ujeedka ugu weyn ee Al-shabaab u qaadeen weerarkan ku tilmaamay in ay niyad jabiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka soo kabanaya duruufaha adag.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
8/17/2020 6:13 PM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor, ayaa sheegay inuu furmay wajigii koowaad ee shirka Dhuusomareeb 3 ayna madaxdu ka doodeen qaababka doorasho ee ay guddiga arrintaan loo xilsaaray usoo gudbiyeen dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada.

8/17/2020 5:07 PM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo caawa lagu dilay magaalada Magaalada Jowhar Xili uu ka baxay Masaajid uu ku dukaday Salaada Cishaha.

8/17/2020 4:56 PM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Taiwan ayaa xafiis diblumaasiyadeed ka furatay Somaliland Isniintii maanta ahayd, taas oo lagu tilmaamay astaan muujineysa xiriirka ka dhexeeya labada dhinac oo isku aqoonsan dowladdo gooni isku taagay.

8/17/2020 4:48 PM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeeysay dowladda federalka inay burburisay miro dhalkii kasoo baxay shirarkii magaalada Dhuusomareeb.

8/17/2020 4:23 PM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyeen Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga Ka-baaraan degga doorashooyinka dalka.

8/17/2020 3:05 PM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Wasiirkii wasaaradda beeraha ee maamulka Hirshabeelle Cabdikhaadir Abuukar Karaani sidoo kalena ahaa xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Dowlad gobolaadkaas ayaa caawa lagu dilay magaalada Jowhar.

8/17/2020 1:02 AM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Dhuusamareeb la qaatay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.

8/17/2020 12:49 AM EST
Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku baaqay in beesha caalamka ka qeyb gasho shirka Dhuusomareeb ee looga tashanayo doorashooyinka Soomaaliya ee soo socda.