4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Aug 17, 2020
Puntland oo ku baaqday in beesha caalamka laga qeyb galiyo shirka Dhuusomareeb
 

Isniin, Agoosto 17, 2020 (HOL) - Dowlad goboleedka Puntland ayaa ku baaqay in beesha caalamka ka qeyb gasho shirka Dhuusomareeb ee looga tashanayo doorashooyinka Soomaaliya ee soo socda.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Puntand aysan kalsooni buuxda ku qabin madaxweyne Farmaajo, sidaad darteedna loo baahan yahay in beesha caalamku marqaati iyo goob-joogayaal ka noqoto waxa lagu heshiiyo iyo sidii loo fulin lahaa.

Waxay Puntland sheegtay inay shirka ka qeyb galayso, waxayna madaxweyne Farmaajo ugu baaqday in uu soo magacaabo raysal wasaare qeyb ka noqda fulinta heshiisyada dhameystirka doorashooyinka.

Halkaan hoose ka aqriso warsaxaafadeedka Puntand







Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]