4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 1 , 2020
Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay xubno maamulkiisa ku matali doona gudiga tala bixinta hannaanka doorashooyinka
 

Sabti, Agoosto 1, 2020 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa magacaabay xubnaha Galmudug ay ku leedahay guddiga ka shaqeyn doono arrimaha farsamada doorashada dalka ka dhici doonta.

Masuuliyiinta la magacaabay waxa aay kala yihiin Kamaal Guutaale iyo Cabdi Maxamed Jaamac “Cabdi Waayeel”.

Kamaal Guutaale ayaa horay usoo noqday agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya, halka Cabdi Maxamed Jaamac uu yahay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxa uu ku sheegay wareegtadii uu ku magacaabay in labadaan xubnood ay ku biiri doonaan, xubnihii kale oo ay horay maamul Goboleedyada kale usoo magacaabeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]