4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Koonfur galbeeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo shir wadatashi ah uga furmay Baydhabo
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Shirka iskaashiga iyo wadatashiga Dowlad Goboleedyada Hirshabeele, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ka furmay magaalada Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee koonfur galbeed.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Lafta gareen ayaa sheegay in saddexda dowlad goboleed yeelan doonaan wadatashi ku saabsan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo dhameystirka heshiiska Dhuusomareeeb3.

Shirka u furmay saddexda maamul ayaa kusoo aadaya xilli ay magaalada Muqdisho ku sugan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo aan shirkaas looga yeerin.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa dhawaan sheegay in dowlad goboleedyada khilaaf laga dhex abuuray, si loo wiiqo inay aragti isku mid ah ka yeeshaan arrimaha doorashada.

Puntland iyo Jubbaland ayaa horey shir gaar ah ugu qabsaday magaalada Garowe, iyagoo kasoo saaray war murtiyeed ay ku diidan yihiin heshiiskii lagu gaaray shirkii Dhuusomareeb3.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]