4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Xeer ilaaliyaha Soomaaliya oo xeer ilaaliye cusub u magacaabay dilalka weriyayaasha
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa magacaabay Xeer-Ilaaliye u gaar ah si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.
 
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu ku wargeliyay dadweynaha Soomaaliyeed in qof kasta oo haya xog la xiriirta dilalka wariyaasha inay kusoo hagaajiyaan Xafiiska Xeer- Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.
 
Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu xaqiijiyay in si adag loo dhowri doono talaabooyinka iyo hanaanka cadeymaha iyo marag furka la xiriirsan kiisaska dilalka iyo waxyeelaynta suxufiyiinta.
 
''Suxufiyiinta iyo shacabweynaha Soomaaliyeed  waxaa uu Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku u xaqiijinayaa in cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka suxufiyiinta si loo soo afjaro dilalka iyo dhibaataynta ciqaab la’aanta ah ee loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed,'' ayuu yiri xeer ilaaliyaha


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]