4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 8 , 2020
Waare iyo Qoor-qoor oo kusii jeeda Baydhaba
 

Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Sida Ilo ku dhow dhow madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ay u sheegeen warbaahinta madaxweynayaasha labada maamul ayaa waxay ku wajahanyihiin magaalada Baydhaba,  iyagoo kulan wada tashi ah la yeelanaya madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Waxaa lagu wadaa iney ka wada hadlaan sidii loo xoojin lahaa dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka iyo adkeynta heshiiskii lagu gaaray Dhuusamareeb 3.

Mas'uuliyiintaan ayaa lagu wadaa iney kusoo biiraan shirka madaxweyne Farmaajo iyo madaxda gobollada Puntland iyo Jubaland ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho.

Soomaaliya ayaa ku jirta xaalad kala guur ah,  waxayna weli madaxda Puntland iyo Jubaland maamullada kale iyo dowladda dhexe aysan la qaadan noocii doorashada ee lagu heshiiyay shirkii ugu dembeeyay ee Dhuusamareeb ka dhacay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]