4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Mareykanka oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Jannaay Cabdalle
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war kasoo saaray weerarkii saakay ka dhacay xero ciidan oo ku taalla deegaanka Jannaay Cabdalle oo qiyaastii 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ciidamada Mareykanka ee Afrika Col Chris Karns ayaa waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray in weerarkii Jannaay Cabdalle uu uga dhaawacmay hal askari,  oo ka tirsanaa askar la talin iyo caawin u joogay xerada la weerarary.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas,  iyagoo intaa ku daray iney ku dileen 4 askari oo Mareykan ah tira kalana ay ku dhaawacantay.

Warka kasoo baxay Mareykanka ayaa lagu sheegay in baaritaan ay ku sameeyeen askariga dhaawacmay,  xaaladdiisana hadda ay wanaagsantahay.

Illaa iyo hadda ma jiraan Ilo si madax-bannaan warbaahinta ugu xaqiijin kara khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas ismiidaaminta ah ee ka dhacay Jannaay Cabdalle.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]