4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Kulan lagu taageerayay, shir la filayo in lagu qabto Beledweyne oo Muqdisho ka dhacay


Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho shir mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed wax-garadkiisa ay isugu yimaadeen,  waxaana diiradda lagu saaray xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya,  gaar ahaan waxaa si gooni ah loosoo hadal qaaday doorashada dhowaan ka dhici doonta maamulka Hirshabeelle.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale lagusoo qaaday shir weyne kale oo dhowaan la filayo in lagu qabto magaalada Beledweyne,  waxayna dhammaan dadkii kasoo qeyb-galay kulankii maanta ay ayideen shirka dhammaadka September ka dhacaya Gobolka Hiiraan,  gaar ahaan Beledweyne.

Gabagabadii kulankii maanta waxaa lagasoo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

War murtiyeed
                                                    7da Sebtembar, 2020
Muqdisho, Soomaaliya

Shirka Beel-weynta Xawaadle ee magaalada Muqdisho  oo la qabtay 7 Sebtembar 2020, laguna qabtay Hotel Giyaajo ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ujeedadiisu aheyd taageeridda Shirka 20 Sebtembar, 2020 ay shaaciyeen Odayaasha Dhaqanka ee Beesha Xawaadle ee Gobolka Hiiraan iyo muujinta muhiimadda arrimaha dhismaha Barlamaanka 2aad ee Dowlaad Goboleedka Hirshabeelle. Shirka oo ay ka soo qeyb galeen Wasiiro, Xildhibaanno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, siyaasiyiin, aqoonyahanno, iyo mas'uuliyiin ka tirsan hay'adaha kala duwan ee dalka iyo dowladda, saraakiisha sare ee Ciidamada Qalabka Sida, ganacsato, culumo, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada, qurba-joog iyo qeybaha kale ee bulshada beel-weynta Xawaadle ka kooban tahay.
 
Furitaanka shirka waxaa looga dooday xaalada kala guurka ah ee ka jirto guud ahaan dalka gaar ahaan Gobolada ay ka dhisantay Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle kaasoo ay hore aanan nidaamsaneyn loo dhisay.

Falanqeyn iyo dood dheer kadib shirka  beel-weynta Xawaadle waxaa kasoo baxay War murtiyeedka hoos ku qoran.

1.    Shirka  waxaa uu  si mug leh u taageeray Baaqii Odayaasha Dhaqanka  ee  shirweynaha Beesha Xawaadle ee lagu qaban doono magaalada Beled Weyne 20ka Sebtembar 2020, waxayna soo jeediyeen in shirkaas ay si mug leh uga soo qeybgalaan Xawaadlaha dal iyo dibad joogaba.
2.    Dhismaha maamulka cusub ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle beesha Xawaadle waxaa ay kaga qeybgali doontaa go´aannada iyo aragtida  ka soo bixi doonta shirweynaha Beesha Xawaadle ee lagu qaban doono magaalada Beled Weyne 20ka Sebtembar 2020.
3.    Beeshu  waxay  ay soo jeedinaysaa in dib u heshiisiin dhab ah  loo sameeyo dhamaan dadka degan degaannada Dowlad Geoboleedka Hirshabeelle ka kooban tahay.
4.    Beeshu waxa ay carabka ku adkeysaa in Gobolka Hiiraan uu helo maqaamka uu xaqa u leeyahay iyo in la aqoonsado in uu Gobolka Hiiraan oo ka dambeeyo siddeeddii gobol ee lagu aasaasay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1960, iyo in gobolkaasi uusan helin xaqii ay heleen todobadii kale ee gobol.
5.    Beeshu waxay soo jeedinaysaa  in la  ilaaliyo awood qeybsiga beelaha wada dago maamul Goboleedka Hirshabeelle ay ku heshiiyeen si loo dhiso dowlad-gobleed  is ogol ah loona dhan yahay kuna  saleysan caddaalad, is xaqdhowr iyo is tixgalin.
6.    Beeshu waxaa ay ka digeysaa tallaabo kasta oo wax lagu duminaayo ama u horseedi karto qalalaaso siyaasadeed iyo amni darro bulsho, ka soo horjeeda rabitaanka bulshada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle. 

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]