4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 6 , 2020
Axmed Madoobe: Aniga iyo madaxweyne Deni qorshaheenna ma ahan in aan madaxweyne Farmaajo kalligiis la fariisano
 

Axad, September 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Deni isla qaateen in aanay haboonayn in ay kaligood madaxweyne Farmaajo wada hadal la yeeshaan, iyadoo ay maqan yihiin dhinacyadii kale ee siyaasada.

“Haddaan saddexdeena isku reerka ah shirno oo war murtiyeedka kasoo saarno doorashada, waxayna macno tiraysaa wixii aan ku doodaynay iyo ujeedada aan Muqdisho u nimid,”ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xusay in aan wax doorasho ah laga hadli karin inta uu taagan yahay khilaafka labada aqal ee barlamaanka islamarkaana uu tafaraaruq ku dhex jiro dadka siyaasadu ka dhexayso.

“Labadii aqal oo khilaafsan, dowlad goboleedyadii oo labo qaanadood lagu kala ridayo iyo madaxdii oo buuq kale ku dhex jira, wax macno nooma sameynayso in la yiraahdo doorasho ayaa laga hadlayaa. Asalku waa in midnimada la isku keeno,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Hadalkaan ayuu Axmed madoobe ka sheegay kulan uu maanta la qaatay barlamaanka aqalka sare oo warbixin ka dhegaystay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]