4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 5 , 2020
30 qof oo ku dhintay dagaallo culus oo Al-shabaab iyo dad shacab ah ku dhexmaray koonfurta Mudug
 

Sabti, September 5, 2020 (HOL) - Daraasiin dad ah ayaa ku dhintey ka dib iska hor imaad u dhexeeyey dadka tuulada shabeelow ee koonfurta Mudug iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasoo maalintii shalay ka dhacay halkaas.

Waxaa jira warbixino sheegaya in ku dhowaad 30 qof, oo ay ku jiraan 16 mintidiinta Al-shabab lagu dilay tuulada Shabeelow, halkaas oo dad rayid ah ay hubka qaateen si ay ula dagaallamaan kooxda Al-shabaab.

Maleyshiyo degaanka kasoo jeeda oo is abaabulay, ayaa go’aansaday inay la dagaallamaan mintidiinta Al-shabaab si ay uga difaacaan xoolahooda, sida uu sheegay Cismaan Ciise Nuur, afhayeenka maamulka Galmudug.

Shan saacadood oo dagaalo qaraar ay socdeen jimcihii ayaa waxaa maleyshiyada kaga dhintay 14 qof halka kuwo kale oo bandanna dhaawacooda la jiifiyay isbitaalada magaalada gaalkacyo.

“Dadka tuulada waxay ku mashquulsan yihiin isdifaac ka dhan ah waxa uu ku tilmaameen  cabsi gelinta Al-Shabaab" ayuu yidhi Cabdi Siyaad, oo kamdid ah odayaasha deegaanka Shabeelow.

"Waxay cadaadis saareen dadka deegaanka ah ee ku nool Shabeelow si ay ugu qasbaan inay u dhiibaan hubkooda iyo xoolahooda, si ay uga qeyb qaataan wax loogu magac daray dagaalka barakaysan ee ka dhanka ah gaalada kusoo duulay dalka. Dadka deegaanku way ka daaleen cadaadiska kooxda Al-shabaab,"ayuu yiri Siyaad Cabdi.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]