4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 4 , 2020
Jubbaland oo baareysa mas’uuliyiin loo haaysto musuq maasuq
 

Jimco, September 4, 2020 (HOL) - Xafiiska xeer ilaaliyaha ee maamul goboleedka Jubbaland ayaa baaritaan ku billaabay mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas, kuwaas oo loo haaysto eedo la xiriira musuq maasuq iyo ku takri-fal hanti dadweyne, sida lagu sheegay war kasoo baxay xeer ilaaliyaha Maxamed Shiikh Cismaan.

Hadal uu siiyay warbaahinta ayaa waxa uu ku sheegay in uusan jirin cid ka weyn sharciga dhammaanna mas’uuliyiinta iyo madaxda looga baahanyahay iney aqbalaan sharciga, kuna shaqeeyaan si ku dhisan hufnaan.

‘Xafiiskeygu wuxuu billaabay baaritaanka mas’uuliyiin loo haaysto musuq maasuq, waxaana loo baahanyahay iney si wanaagsan noola shaqeeyaan hay’adaha garsoorka, shaqo billaabaan oo ay qaadaan dacwadaha la xiriira musuq maasuqa iyo kuwa kale ee caadiga ah ee madiniga” ayuu xeer ilaaliyaha Jubaland Maxamed Shiikh Cismaan u sheegay warbaahinta.

Illaa iyo hadda ma uusan sheegin magacyada mas’uuliyiinta ay baarayaan iyo jagooyinka ay hayaan. Hase-ahaatee waxa uu qeexay in lala xisaabtamayo cid kasta oo ku takri fasha hantida dadweynaha .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]