4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 3 , 2020
Puntland oo sheegtay halkii lagasoo abaabulay qarixii lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug
 

Khamiis, September 3, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dhinaca Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa soo bandhigay xog ku saabsan qarixii ismiidaamin ee 27 bishii may ee sanadkaan lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug, Axmed Muuse Nuur, walaalkiis iyo qaar katirsanaa ilaaladiisa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qaraxaasi lagusoo xirxiray degaanka Saaxa qurun oo Gaalkacyo kaga beegan koonfur galbeed, isagoo sheegay in laga hagayay magaalada Xarardheere ee koonfurta Mudug.

Gudoomiye Cabdiladiif wuxuu sidoo kale sheegay in la aqoonsaday ninka waday gaariga qaraxa lagu rakibay ee lagu dilay guddoomiyaha, waxaana uu sheegay inuu ahaa shakhsi Al-shabaab ah oo ka yimid Shabeeladda hoose.

Laamaha amniga ayaa dilka guddoomiyaha kadib gacanta ku dhigay shakhsiyaad lagu tuhmayo inay wax ka ogaayeen qaraxaasi, kadib howgal ay wada qaadeen ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]