4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2020
Dowladda Kenya oo xayirtay hantida dad ay ku eedeysay iney Al-shabaab maal-geliyaan
 

Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang'I ayaa magacaabay sagaal ruux uu sheegay iney leeyihiin mas'uuliyadda maal-gelinta Ururka Al-shabaab oo dhowr jeer weeraray qeybo kamid dalkaas.

Matiang’i ayaa wuxuu sidoo kale amray in la xayiro hantida shakhsiyaadkaas,  sidoo kalana la fariisiyo xisaabahooda bangiyada.

"Waxaan amrayaa in la xayiro lacagahooda bangiyada iyo dhaqdhaqaaqa hantidoodaba dadkaan gaaraya sagaalka ruux" ayuu wasiirka ammaanka Kenya u sheegay Warbaahinta.

"Sagaalkaan qof ayaa waxay kala yihiin Halima Ali, Waleed Zain, Sheikh Boru,  Mohammed Ali, Nuseiba Haji l, Abdimajit Hassan, Mohammed Ali Abdi, Mukhtar Ali iyo Mire Elmi" ayuu wasiir Matiang'i ku sheegay dadka uu ku eedeeyay maal-gelinta Al-shabaab ee Kenya,  isagoo sidoo kale soo bandhigay sharciyadooda

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya ayaa waxa uu sidoo kale qeexay in Al-shabaab ay halis ku yihiin nolosha Kenyaanka.

Waxay horay Al-shabaab dhowr weerar ka geystaan gudaha waddanka Kenya.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]