4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2020
Madaxweyne Qoor-qoor oo Jabuuti gaaray
 

Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor qoor" ayaa waxay gaareen magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay mas'uuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha waddankaas.

Madaxweyne Qoor Qoor oo ay la socdaan mas'uuliyiin ka tirsan maamul goboleedka Galmudug ayaa waxay booqashadoodani tahay mid rasmi ah,  Kadib markii uu casuumaad ka helay madaxda sare ee dalka Jabuuti.

Ilo ku dhow madaxtooyada Galmudug ayaa HOL u sheegay in madaxda Galmudug ay mas'uuliyiinta Jabuuti kala hadli doonaan arrimo dhowr ah oo la xiriira dhinaca hor'umarka iyo kaabayaasha dhaqaale ee maamulka Galmudug sidii loo hagaajin lahaa.

Arrimaha la isla soo qaadi doono ayaa waxaa kamid ah dhismaha dekadda Hobyo  oo ay hadda Galmudug ku dadaaleyso sidii loo dhaqaajin lahaa.

Socdaalka madaxweyne Qoor qoor ee Jabuuti ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho ay ku shirayaan madaxda Jubaland,  Puntalnd iyo dowladda Soomaaliya,  iyagoo ka shiraya xaaladda kala guurka ah ee dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]