4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Sept 19, 2020
Guddoomiyaha gobolka Minnesota ayaa ka codsanaya Trump iyo Biden in ay u hoggaansamaan tilmaan-dhaqameedka gobolka ee COVID-19.

 
AARON LAVINSKY - STAR TRIBUNE

 

Sabti, September 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa ka codsadey labada musharax ee madaxweynennimada, oo horray u qorsheystsay in ay soo booqan doonnaan gobolka usbuucan, in ay u hoggaansamaan xeerrarka badbaadada ee gobolka Minnesota ee ku saabsan cudurka COVID-19.

 

Gudoomiyaha Dimuqraadiga ah ee Gobolka wuxuu warqad  u qoray Madaxweyne Donald  Trump iyo xafiiska ololaha ee Madaxweyne kuxigeenkii hore Joe Biden si uu uga codsado inay  u hoggaansamaan sharciyada Minnesota ee ku saabsan gafuur-xerrada, kala fogaanshaha bulshada iyo tirada dadka meel ku wada kulmi karta hal mar.

 

Waxaa lafilayaa inay labada musharax ay soo booqa doonnaan Minnesota Jimcaha. Madaxweynaha ayaa ku qaban doonna isu soo bax meel diyaaraddaha lagu xareeyo ee ku yaal garoonka dyaaraddaha Bemidji 4 galabnimo. Joe Biden waxaa loo qorsheeyay inuu ololihiisa ugu horreeyo ku qaban donna gobolka isagoo safar ku tagaya xarunta tababarka shaqaalaha ee Duluth. Trump wuxuu horray u soo booqday Minnesota bishii Ogos (August) markii uu khudbaddo ka jeediyay garoonka diyaaraddaha ee MSP iyo Mankato.

 

Minnesota ma oggolla in hal meel ay ku wada kulmaan in ka badan 250 qofood. Laakinse, guddomiye Walz waxa uu yiri waa suurtagal in la kordhiyo tirada ka qeyb gallayaasha haddii aysan jirin qiiro/caadifad siyaasadeed.

 

Waaxda Caafimaadka ee Minnesota (WCM) ayaa Arbacadii sheegtay in toddobo qof oo kale oo deegaanka ah ay u dhinteen COVID-19, taasoo tirad dhimashada gaar siisay 1,933 qofood.

 

Waxay intaasi ku dartay in mid ka mid dadka dhintay da’diisu ka badnayd 100 sano, labo kalena ay ahaayeen siddeetan jirro, saddexna lixdan jirro, midna uu ahaa  kontameeyo  jir. Saddex ka  mid ah toddobada dhimatay ee la sheegay Arbacadii waxay degganaayeen xarumaha daryeelka muddada-dheer.

 

Xarumaha daryeelka muddada-dheer ayaa weli ah xuddunta uu ka faafo fayraska covid-19, Dadka u dhintay cudurkan oo ah 1,933 qofood, 1,402 ka mid ah waxay ahaayeen dad deggan xarumaha daryeelka muddada-dheer.

 

WCM ayaa sheegtay Arbacadii in tirada la hubo ee cudurka covid-19 ku dhacay ee Minnesota gaartay 85,813 qofood. Inta ay ahayd Talaadadii waxaa ku kordhay 462 qofood ka dib markii baaritaan caafimaad lagu sameeyay 9,910 qofood oo cusub.

 

Tan iyo markii uu billaabmay cudurkan faafa, 7,019 reer Minnesota ah ayaa isbitaal la dhigay, 244 ka mid ah ayaa hadda ku jira isbitaalka, 136 kalena waxay ku jiraan qaybta daryeelka degdega ah.