4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 16, 2020
Dowladda Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigtay eedeysane kamid ah dadka loo haaysto dilkii Xamdi
 

Arbaco, September 16, 2020 (HOL) - Wasaaradda ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidamada ammaanka ee Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen eedeyssane lagu tuhmayo inuu ku lug lahaa falkii lagu dilay Allaha U Naxariistee  Xamdi Maxamed Faarax.

Eedeysanaha lasoo qabtay ayaa lagu sheegay magaciisa Maxamed Ibraahim Cismaan, 24 jir.  Waxa uuna ku eedeysanyahay inuu kaalin weyn ka qaatay dilka gabadha oo ka hor la sheegay in la kufsaday.

Laammaha ammaanka dalka ayaa baaraya dad badan oo kiiskaan loosoo xeray,  waxayna tallaabadaan eedeysanahan lagusoo qabtay kor u sii qaadeysaa kalsoonida hay'adaha nabad-gelyada iyo baaritaanka socda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay iney meel adag ka taagantahay arrinta kufsiga iyo dilalka isla socda oo aad Soomaaliya ugusoo badanaya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]