4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 15, 2020
Wasiirka warfaafinta Somaliland oo laga helay Covid19
 

Talaado, September 15, 2020 (HOL) - Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in baadhitaan uu isku sameeyay laga helay xanuunka Covid 19. Ma ahan masuulkii ugu horeeyay ee cudurka laga helo, balse arintiisa ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo baxaysay cabsida la xiriirta in cudurku soo labo kacleeyay.

Cudurka Covid19 ayaa korarka faafitaankiisa waxaa u sabab ah, kadib markii ay hoos u dhacday cabsidii cudurkan laga muujinayay, iyadoo dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada ay meel iska dhigeen qatartii cudurka.

Somaliland iyo Puntland ayaa lagasoo sheegay in cudurku sameeyay faafitaan cusub, taasoo keentay in labada maamul ay diiwaan galiyeen tirooyin cusub oo covid19, iyadoo dad badan ay tageen xarumaha caafimaadka.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in todobaadkii lasoo dhaafay uu hal qof u geeriyooday cudurka Covid19, taasoo tirada dadka u geeriyooday guud ahaan Soomaaliya ay ka dhigayso 98 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]