4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Shirkii Adhicadeeye oo soo gabgaboobey iyo gogol labaad oo la dhigay isla halkaa


Sabti, October, 31, 2020 (HOL) - Shir nabadayn laba beelood ah oo mudo laba bilood ah ka socdey magaalada Adhicadeey oo waqooyi 30Km kaga aadan magaalada Laascaanood.

Wufuud kala duwan ayaa ilaa xalay ku soo qulqulayey magaaladaas oo ay ka mid yihiin wefti ka socda golayaasha Somaliland oo hogaaminayey wasiirka Arimaha Gudaha iyadoo uu horey u joogey wasiirka Warfaafinta oo mudadaas aan marna ka jaan qaadin shirka midha dhalkiisana mug weyn ku yeeshay.

Gudiga shirkan maamulaysey ayaa si qoto dheer uga waramay heerarkii uu shirkaasi soo maray, caqabadihii iyo sidii looga soo gudbey.

Waxaa shirkaasi lagu dhameeyey in ka badan 150 kiis oo inta badani ahaayeen dilal dhacay mudo ka badan 30 sano, waxaana la xusay in dhamaan is afgarad laga gaadhey labada dhinacba ay ku qanacsan yihiin.

Cuqaasha labada dhinac ayaa si weyn uga hadlay nabada labada beelood oo sida ay sheegeen shirkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ay isugu yimaadaan laguna dhameeyo dhacdooyin intaas le eg.

Dhamaan ergooyikii iyo marti sharaftii ka soo qayb galay shirkaas gabagabadiisa ayaa waxa ay aad u amaaneen gudiga labada beelood gaar ahaan beesha martiqaadka lahayd.

Masuuliyiinta xukuumada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirada Arimaha Gudaha, Warfaafinta, Biyaha iyo Ganacsiga ayaa iyaguna ku dheeraaday sida ay ugu qanacsan yihiin shirka iyo heshiisyada laga gaadhey fulintoodana ay u xilsaaran yihiin.

"Ma jirto wax degaamayn ah oo la samayn karaa" sidaa waxa yidhi Maxamed Kaahin wasiirka arimaha Gudaha oo si aad ah ugu dheeraaday in dhibaatada masuuliyadeedu ay haatan noqotay dhulka in qaar badana la baabiin doono nidar ku maray.

Shirkan beelaha nabaday ayaa waxa ka soo baxay oo kale in la diro ergooyin labada dhonac ah oo mara dhamaan dhulka beelahaasi degaan oo aad u kala fog, Dandan oo Buuhoodle ka tirsan illaa Jiidali oo Bari Ceergaabo kaga quman.

Dhinaca kale waxaa habeenimadii xalay lagaga dhawaaqay magaalada Adhicadeeye gogol nabadeed oo la doonayo in lagu soo afjaro colaad mudo ku soo noqnoqonaysey halkaas.

"Waxaan gogol nabadeed ugu baaqnay walaalahayaga reer Cilmi, Naalaya Axmed, Ugaadhyan, anigoo og dhibtii ka dhacday gogoshii ay iyagu dhigeen, waxaana doonaynaa in gogoshaa raaligelin iyo wixii dhacay xalkooda lagu gaadho" sidaana waxaa yidhi Suldaan Mustafe Aw Seed

Suldaanka oo ay dhinac fadhiyeen cuqaasha iyo waxgaradka beesha waxa uu tacsi u diray dadkii dhibaatadu ka soo gaadhey colaada Adhicadeeye ka dhacday, waxa kale oo uu xusay in waqtigan ay ugu soo beegeen dhamaadka shirka haatan gabagaboobey.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood