4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 31, 2020
Xildhibaan Aadan Xeefoow oo laga saaray Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle iyo shaqsi kale oo lagu badallay


Sabti, October, 31, 2020 (HOL)- Xildhibaan Aadan Axmed Xeefoow oo ka mid ahaa xildhibaannada cusub Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle ayaa maanta laga reebay munaasabadii dhaarta Baarlamaanka cusub oo ka dhacday magaalada Jowhar.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Aadan Xeefoow loo diiday in uu gudaha u galo Hoolka ay ka dhaceysay munaasabada dheerta, waxaana la sheegay in kursigiisa loo dhaariyay shaqsi kale oo magaciisa lagu sheegay Cabdixakiin Luqmaan oo ay isku jifo yihiin,.

Lama oga sababta keentay isbadalka degdeg ah iyadoo xildhibaan Xeefoow uu ka mid ahaa xildhibaannadii uu soo gudbiyay Ugaaska beesha Gaaljecel  Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi Ugaas Maxamed oo ka mid ahaa duubabkii dhaqanka ee u taggay Jowhar in ay wax ka soo xulaan xildhibaannada.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka imanaya cabasho la xiriirta musuqmaasuq iyo wax isdaba-marin lagu sameeyay soo xulay Baarlamaanka 2aad ee Hirshabeelle, iyadoo laga taggay shaqsiyaadkii ay duubabka dhaqanka beelaha qaarkood u soo xusheen oo lagu badalay xubno kale.

Aadan Xeefoow ayaa horay u soo noqday guddoomiyaha degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]