4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 29, 2020
Xukun maxkamad Islaami ah oo ka dhacday Saaxdheer ayaa lagu xukumay rag Laascaanood lagala Baxsaday
 

Khamiis, October, 29, 2020 (HOL) - Lix nin oo loo haystey in ay dileen laba nin ayaa lagu ridey xukuno kala duwan magaalada Saaxdheer oo 69Km. Laascaanood koonfur kaga quman.

Nimankan la xukumay oo qaarkood dhowaan lagala baxsaday magaalada Laascaanood ayaa dhaliyey khilaaf la xidhiidha dhinaca ciidamada maadaama ay ka tirsanaayeen ciidanka Booliska.

"Laba ka mid ah lixda nin waxa lagu xukumay 5 halaad, halka labana lagu xukumay 10 halaad oo ganaax ah, labada soo hadhay oo ay ku cadaatay dilka labanin ayaa maxkamadu ku xukuntay dil" sidaa waxa HOL Cabdisamad Keyse oo ah suxufi halkaasi ku sugnaa.

Wadahadal labada dhinaca galabta yeesheen ayaa la cafiyey kuwii falka geystey waxaana bedelkooda lagu xukumay 200 00 halaad iyo laba gabdhood oo godob reeb ah, waxaana wararku sheegayaan in dhinacyadii kiis kaasi ka dhexeeyey ay isku marxabeeyeen qanacsanaan xukunka.

Si kastaba ha ahaatee waxaa Saaxdheer ku soo gabgboobey shaki colaadeed kaas oo sida ay ku soo dhamaatay ay dadku la dhacsanaayeen halkii maalmo yar ka hor u muuqatey mid khatar ah.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood