4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 28, 2020
Ciidanka nabad sugida Puntland oo sheegay in maxkamada ku wareejiyeen madaxii dilalka iyo qaraxyada Kooxda Daacish ee Magaalada Bosaso
 

Arbaco, October, 28, 2020 (HOL) - Ciidanka nabad sugida Puntland ee oo loo yaqaan PSF ayaa sheegay inay ku guulaysteen in ay maxkamada ciidamada ku wareejiyaan madaxii dilalka iyo qaraxyada Kooxda Daacish ee Magaalada Bosaso, oo lagu magacaabo Abshir Toshle.

Warbixin dheer oo lagu daabacay bogga Facebook-ga ee taliska ciidanka PSF, ayaa lagu sheegay, in sarkaalkaan uu ka dambeeyey amarka lagu laayey dad badan oo iskugu jira ganacsato, ciidan, nabadoonno iyo dad shacab ah.

Warbixinta waxaa lagu sheegay labo nin oo kale oo wehliyay sarkaalka lagu qabtay, kuwaas oo lagu kala magacaabo Aadan oo magaciisa afgarasho ee Daacish yahay Shaafici iyo Axmed oo magaciisa afgarasho ee Daacish yahay Cismaan.

Cismaan iyo Shaafici, waxaa lagu sheegay inay ahaayeen taksiilayaal ka shaqeysan jiray gudaha magaalada Bosaso ka hor inta aysan dilalka geysan iyo ka gadaalba.

Taliska Ciidanka PSF wuxuu sheegay in ay u suurta gashay bishii May 2020, in ay fuliyaan hawlgalkii lagu soo qabtay Shaafici iyo Cismaan ayagoo markaa qorsheynaya in ay fuliyaan dilal iyo qaraxyo ay ugu talo galeen in ay geystaan 17 bisha Ramadaan.

Ciidamada amniga ayaa iska caabin kala kulmay soo qabashadooda, taasoo geysatay dhimashada hal askari.

Waxaa sidoo kale, hawlgalkaas ku dhintay Axmed Cismaan, waxaana lagu soo qabtay Aadan Shaafici oo dhaawac ah, kaas oo ay suurto gashay in la badbaadiyo islamarkaana uu qirto in ay dileen dad kor u dhaafaya 25 qof. sida aan kasoo xiganay PSF.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]