4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 27, 2020
Labo ruux oo lagu dilay degmada Kaxda iyo guddoomiyaha degmada oo qarax ka badbaaday

 

Talaado, October, 27, 2020 (HOL)- Degmada Kaxda ayaa wararka ka imanaya waxaa ay sheegayaa in kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen guddoomiye waaxeed iyo gabar la sheegay in ay ka shaqeyneysay howlaha caafimaadka gaar ahaan ka wacyigalinta dadka cudurka Covid-19.

Guddoomiye waaxeed la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Ibraahim Colow oo mas’uul ka ahaa waaxda shanaad ee deegaanka Siinka dheer.

Dhinaca kale guddoomiyaha degmada Kaxda iyo ciidamo ka tirsan Booliiska oo taggay halka ay toogashadu ka dhacday ayaa ka badbaaday laftirkooda qarax ka dhashay gaari la sheegay in ay goobta uga taggeen dableydii toogashada geysatay.

Ma jirto faah faahin dheeraad ah oo ay laamaha nabad-galyada dowladda Soomaaliya ka bixiyeen dilalka iyo qaraxyada la sheegay in lagu bartilmaameedsaday mas’uuliyiin ka tirsan degmada Kaxda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]