4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2020
Puntland oo maanta sii daysay macalimiin dugsi qur'aan iyo dad kale oo u xirnaa dilkii gudoomiyaha gobolka Nugaal
 

Khamiis, October 22, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta sii daysay todobo qof oo qeyb ka ahaa dad loo xiray dilka gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xirsi Xasan Gujir, oo 29 bishii maarso ee sanadkan lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Garowe.

Todobadaan qof oo kamid ahaa dadka barakacayaasha ee ku noolaa magaalada Garowe, ayaa muddo ku dhow 8 bilood xabsi ugu jiray baaritaanka kiiskaan, oo lasoo gabagabeeyay bishaan lana xukumay qaar kamid ah dadkii u xirnaa.

Dadka maanta xoriyadooda helay ayaa saddex kamid ah waxay ahaayeen macalimiin dugsi qur’aan ah, halka kuwa kalena ahaayeen ganacsato dukaanleyaal ah, kuwaas oo dhamaantood lagasoo qabtay xaafadaha baracayaasha ee Garowe.

Maxkamada maamulka Puntland ayaa wax dambi ah ku weyday raggan sida uu HOL u sheegay, nabadoon Xuseen Xaaji Ibraahim, oo kamid ah nabadoonada dadka barakacayaasha ee dadaalka ugu jiray in lasii daayo raggan.

Nabaddoonku wuxuu sheegay in 8 qof oo kale ay weli sugayaan inay cadaalad helaan, kuwaas oo iyagana kiiskaan loo xiray.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]