1/21/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 22, 2020
Dowladda Jarmalka oo maamulka Puntland ugu deeqday dhaqaale ka caawiyo dagaalka Covid19


 

Khamiis, October 22, 2020 (HOL) - Hay’adda Iskaashiga Horumarinta Jarmalka ee GIZ ayaa  ku deeqday 7.2m oo Yuuro ah oo loogu talo galay ka jawaabida adeegyada caafimaadka iyo xoojinta la dagaalanka COVID19 ee degaaanada Puntland.

Dowladda Jarmalka ayaa hoosta ka xariiqday sida ay uga go'an tahay sii wadista maalgashiga xoojinta adeegyada caafimaadka ee Soomaaliya iyadoo ku biirisay lacag dheeri ah oo dhan (7.2 milyan).

Lacagtaan ayaa hay’addu usoo marisay hay’adda Unicef.

"Aad ayaan uga mahadcelineynaa taageerada isdaba jooga ah ee dowladda Jarmalka, ”ayuu yiri Jesper Moller, Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya.

Unicef waxay sheegtay Lacagtan in aysan kaliya u adeegsandoonin adeegyo nafo lagu badbaadiyo, balse sidoo kale ay sii dhisi doonto maalgashiyo dowladda Jarmalka ku sameysay waaxyaha caafimaadka ee degaaanada Puntland.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/22/2020 8:49 AM EST
Khamiis, October 22, 2020 (HOL) - Puntland ayaa maanta sii daysay todobo qof oo qeyb ka ahaa dad loo xiray dilka gudoomiyihii gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xirsi Xasan Gujir, oo 29 bishii maarso ee sanadkan lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Garowe.

10/22/2020 8:37 AM EST
Khamiis, October, 22, 2020 (HOL) –Madax-tooyada Dowlad Gobolleedka Puntland ayaa lagu waramayaa in ay si rasmi ah u soo gudbisay magacyada xubnaha ku matalaya guddiyada la filayo in dhawaan loo saaro Doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee sida lagu heshiiyay ilaa daba-yaaqada sanadkan ka shaqeyn doona soo xulista xildhibaannada Baarlamaanka cusub.

10/22/2020 7:12 AM EST
Khamiis, October 22, 2020 (HOL) - Ciidamada Booliska iyo militariga dowladda Soomaaliya ayaa si cad u hor istaagay banaanbax maanta ka dhaci rabay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

10/22/2020 1:10 AM EST
Khamiis, October 22, 2020 (HOL) - Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa soo saaray warsaxaafadeed uu ku beeninayo jiritaanka in dacwad laga gudbiyay bankiyada gaarka loo leeyahay ee kuyaala Soomaaliya.