4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 20, 2020
Hay;ada SAPAC oo Minnesota ku qabtay Kulan looga hadlaayey Caqabadaha haysta Soomaalida Maraykanka.
Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Ururka Arimaha Bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanka (Somali American Public Affairs Committee SAPAC) ayaa kulan balaaran ku qabtay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota , kulankaan oo looga hadlaayey sidii loo xoojin lahaa ama laysagu xiri lahaa bulshada Soomaaliyeed ee Maraykanaka looga hadli lahaa caqabadaha haysta, iyadoo dhanka kalena aad looga hadlay xiriirka qotada dheer ee Sooomaaliya & Maraykanka.
Ayaanle Maxamed Jaamac oo ah aasaasaha iyo madaxa SAPAC ayaa HOL u sheegay in ha'adaan tahay ujeedada ugu wayn mid waxbarasho oo dhiirigalinaya is fahan labo geesood ah oo dhexmara Soomaaliya iyo Maraykanka, xaga Amniga Waxbarashada Ganacsiga iyo Siyaasada ,waxuu ayaanle yiri waxaan xooga saaraynaa sidii loo xalin lahaa mushkilaadka qarnigaan jira ee labada dal.

Waxaa kulankaan ka hadlay madax Soomaaliyeed oo laga doortay gobolkaan Minnesota iyo Marti sharaf ka timi dalkii hooyo iyagoo ku nuuxsaday qayb walba arimaha ama mahduucyada ay aad ka uga hadleen sida maalgashiga dalka, caqabadaha haysta Muslimiinta Maraykanka , iyo sidii looga faaiiidaysan lahaa fursadaha dalkaan jira.
xubnaha ka hadlay waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Aqalka Sare ka tirsan Soomaaliya Farxaan Cali Xuseen,Wasiir u dowladaha shaqada & Arimaha Bulshada ee Puntland Fardowsa Cigaal, Jaylani Hussein Madaxa hay'ada CAIR ee xauquuqda Muslimiinta Abdi Warsame , Jamal Osman ,Cadar Kaahin & mulki Hussein &  Eng. Cabdi saleebaan oo dhamaantood ka faalooday caqabadaha kala duwan ee ka jira dalkaan & Soomaaliya .

Siyad Said Salah
hiiraan Online MN