4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 20, 2020
Madaxweyne Trump oo oggolaaday in Maraykanku dib u dajin u sameeyo in ka badan kun qaxooti ah oo Soomali ku jirto
 

Talaado, October 20, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa la filayaa inay dib u dajin u sameyso in ka badan 1,100 oo qaxooti ah  oo ay ku jiraan Soomaali horraanta sanadka soo socda taasoo qeyb ka ah heshiis cagajiid ah oo uu madaxweyne Donald Trump la galay Australia, sarkaal ka tirsan Australia ayaa sidaas sheegay Isniintii shalay.

Heshiiska Qaxootiga lagu keenayo Maraykanka waxaa horey u galay Madaxweynihii hore Barack Obama sanadkii 2016, si ay u aqbalaan ilaa 1,250 qaxooti ah oo ka kala imaanaya Iran, Bangladesh, Somalia iyo Myanmar kuwaas oo Australia ay ku hayso xeryaha jasiiradaha Baasifigga.

Trump ayaa cambaareeyay heshiiska, isagoo ku tilmaamay mid aan waxtar lahayn  laakiin wuxuu ogolaaday in la ixtiraamo ballanqaadka Mareykanka, oo ku xiran kala shaandheyn xad dhaaf ah oo uu ku sameynayo qaxootiga.

Mareykanka ayaa dib u dajin u sameeyay 870 qaxooti ah ilaa bishii Oktoobar ee sanadkii 2017 halka ku dhowaad 250 kalena ay heleen ogolaansho kumeel gaar ah oo guryo cusub looga sameeyay Mareykanka, sida uu sheegay Marc Ablong oo ah ku xigeenka xoghayaha Arimaha Gudaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]