4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Labaatan iyo sagaal qofood ku dhimatay fayrsaska COVID19



Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Waaxda Caafimaadka Minnesota ayaa Arbacadii xaqiijisay in 1,214 qofood laga helay cuddurka Covid-19, labaatan iyo sagaal kalena ay u dhinteen.

Gobolka ayaa ilaa Arbacadii ku sheegay wadarta guud ee dadka laga helay fayraska cusub ee karoonafayris ilaa 115,763 qofood. Sidaasna waxaa lagu xaqiijiyay tijaabooyinka caafimaadka caadiga ah.

Saraakiisha caafimaadka gobolka ayaa ka sii digay in korarka dadka uu ku dhacay cudurkan halista ah dhammaadka Xagaaga ay sababi doonto ugu dambeytii in dad badan u dhitantaan iyo kuwo kalena cisbaal loo dhigo cudurkan. Axadii, Oct.11, 487 reer Minnesota ah ayaa cisbitaal loo dhigay cudurka Covid-19, waa markii ugu horreysay ee tiro intaas la’eg muddo hal maalin cudurkan ku dhaco dad intii ka dambeysay dhammaadka bishi.