4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Madaxweynahii Hore ee Hirshabelle oo si kulul u weeray dowladda madaxweyne Farmaajo
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee maamul goboleedka Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta ka hadlayay shirweyne wadatashi oo beesh Xawaadle ku yeelatay magaalada Muqdisho waxuu si adag u dhaliiyay dowladda madaxweyne Farmaajo oo uu ku eedayay in gacan bidxeyn ku wado qaab dhismeedka Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqeyn hayso isku dirka beelo walaalo ah oo wada dega Hirshabelle oo iyaga horay u kala saxiixday heshiis rasmi ah.

Cosoble ayaa yiri "Farmajoow ka joog xawaadle, intey goori goor tahyna dib ugu laabo siyaasadaada ku wajahan xawaadle"

Madaxweynahii hore ee Hirshabelle mudane Cali Cabdullaahi Cosob oo carro xoogan ka muuqatay wajigiisa marka uu hadlayay ayaa wacad ku maray hadii laga baxo heshiiskii lagu dhisay Hirshabelle iney Hirshabelle ku dhisanayaan magaalada Baledweyne.

Hadaladii Cali Cabdullahi Cosoble shirka wadatashi uu ka yiri waxaa ka mid ahaa "Allow wanaagsanaan laheydaa inuu allah u naxariiste Siyaad Barre aaqiro kaala soo hadli karo, taladiisa ku anfici laheeydaa"

Iyadoo uu dhamaaday waqtigii saxda ahaa ee loogu talo galay dowlad goboleedka Hirshabelle ayaa hadana waxaa muuqanaya dhismaheeda labaad caqabado adag oo hortaagan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]