4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 19, 2020
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo madaxda dowladda ugu baaqay inay siidaayaan weriye Cabdullaahi Kulmiye
 

Isniin, October 19, 2020 (HOL) - Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay dowladda in si deg deg ah loo siidaayo wariye Cabdulahi Kulmiye Cadow.

Wariyaha ayaa wuxuu u xiran yahay Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA, kadib markii uu wareystay Ganacsade Abuukar Cumar Cismaan, oo taageeray fikirka Al-Shabaab.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxda dowladda inay sii daayaan wariye C/ laahi Kulmiye Cadow, oo si xaq daro ah ugu xiran," ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay xarriga weriyaha inuu ka dambeeyo taliyaha nabad sugida Fahad Yaasiin, oo mar soo noqday weriye katirsan Aljazeera islamarkaana wareysan jiray saraakiisha Al-shabaab.

“Ma jirto cid soo xirtay, xorriyaddana uga qaadday taliyaha Nabad sugidda markii uu isagoo Aljazeera u shaqeeya duurka ku soo waraysan jiray madaxda sare ee argagexisada Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa raaciyay hoggaamiyaha wadajir.

Weriye Cabdullaahi Kulmiye Cadow ayaa habeenkii labaad ku hoyday xabsiga, iyadoo aan dowladdu weli sheegin sababta loo xiray.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]