4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 15, 2020
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo dhagax dhigay dhismaha hay'adda gurmadka Qaranka
 

Khamiis, October 15, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhagax-dhigay dhismaha hay'adda gurmadka qaranka oo loogu talagalay in ay daboosho Xaaladaha deg degga ah ee ay keenaan noocyada kala duwan ee masiibooyinka.

Warsaxafadeed kasoo baxay xafiiska raysal wasaaraha ayaa lagu sheegay in xarunta ay noqon doonta mid isku xirta dhamaan hay’adaha gurmadka dalka oo dhan, waxayna aruurin doontaa macluumaaadka halista soo socota, lana wadaagi doontaa dhinacyada ay khuseyso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay iyadoo laga duulay casharadii laga bartay qaraxii ka dhacay Isgoyska Zoobe iyo dhacdooyin kale oo dalka soo maray ay lagama maarmaan noqotay dardargelinta dhismaha xarunta, oo laamo ku yeelanaysa caasimadaha dowlad gobolleedyada.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay dowladda Sweden iyo Bangiga Adduunka oo maalingalinaya dhismaha Xarunta, oo lagu soo gabagabeyn doono muddo gaaban.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]