4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 8 , 2020
Mahad Guulleed’’ Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu u muuqdaa hoggaamiye Mucaarad ah

 

Axad, November, 08, 2020 (HOL)- Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhinaca sharciga ah ee u dhaxeeya Xukuumadda Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo siweyn uga biyo diiday guddiyada doorashada oo ay dowladdu magacaawday.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeennka dalka Mahad Maxamed Guulleed Khadar ayaa guddoomiyaha Aqalka sare ku tilmaamay in uu yahay hoggaamiye mucaarad ku ah dowladda inteeda kale, isaga oo intaa ku darray in bilihii ugu danbeeyayba uu si isdaba joog ah u soo saarayay qoraal dowladda ka dhan ah.

Mahdi Guulleed ayaa sidoo kale ku eedeeyay guddomiyaha Aqalka sare in uu fadhiid ka dhiggay golihii aqalka sare oo in muddo ahba aan kulmin, islamarkaana ay jirto cabasho ay mudanayaashu ka muujinayaan.

‘’Waad arkeysaanoo Aqalka sare muddo ma fariisan, sharciyo loo baahnaa in la laga dooddo oo ka soo gudbay Golaha Shacabka ayaan laga dooddin, awoodii Golaha Baarlamaanka ama sharci dajinta ayuu wiiqay ayuu yiri ‘’ Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka oo eedeyntan u jeediyay guddoomiyaha Aqalka sare.

Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa qoraal shalay ka soo baxay ku eedeeyay xukuumadda in Guddiyadan doorashada ay soo magacaawday lagu kalsoonaan karin kuwaa oo sida uu hadalka ku dhigay intooda badan laga soo xulay xafiisyada dowladda iyo hay’adda Nabad-sugida Qaranka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]