4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Baarlamaanka Hirshabeelle oo meel mariyay guddiga doorashada Madaxtinimada Hirshabeelle
 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL) - Mudanayaasha Baarlamaanka maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa maanta kalfadhigooda koowaad kulankiisa 4-aad ku yeeshay magaalada Jowhar waxayna ku ansixiyeen guddiga doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Fadhiga maanta ee Xildhibaanada Hirshabelle oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ajandihiisu ahaa meel marinta guddiga doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee maamulka Hirshabeelle oo lagu waddo in maalmaha soo socda lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle.


Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ee maanta baarlamaanka Hirshabeelle ansixiyeen ayaa lagu wada in ayagana ay soo saaraan jadwalka doorashada Madaxtinimada Hirshabeelle goorta ay dhaceyso iyo waliba sida ay u dhaceyso xili beelaha Abgaal iyo Xawaadle ay isku haystaan cidda noqoneyso Madaxweynaha Hirshabeelle taaso mudooyinkii dambe cabashadeedu meel sarre mareysay walina si cad aanan xal looga gaarin.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]