4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 7 , 2020
Golaha Shacabka oo la hogeynayo maanta warbixin ku saabsan COVID-19

 

Sabti, November, 07, 2020 (HOL)- Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa kulankooda maanta lagu wadda in la horgeeyo warbixin la xiriirta saameynta cudurka COVID-19 oo ah cudur guud ahaan marka la eego dunida dhibaato ba’an ku haya,

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa xalay lagu wargaliyay kulanka maanta iyo ajandayaasha hor yaala oo kala ah Warbixin ku saabsan saameynta uu cudurkan COVID -19 uu ku yeesheen wax soo saarka cunida iyo ganacsiga.

Sidoo kale waxaa ajandaha maanta ee kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ku jira akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka hay’adda Socdaalka.

Cudurka Coronavirus oo ah cudur dilaa ah oo fara’ban ku haya caalamka ayaa saameyn weyn ku leh dalkeena Soomaaliya oo wali kiisas ku saabsan laga soo sheegayo qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]