1/25/2021
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Jabuuti oo dalkeeda ka masaafurineysa 16 Askari oo Itoobiyaan ah


 

Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Dowladda Jabuuti ayaa dalkeeda ka musaafurineysa ilaa 16 Askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo sida la sheegay gacan saar dhaw la leh Jabhada difaaca Tigray-ga.

Sida ay sheegtay Warbaahinta gudaha Jabuuti 16 kan Askari oo ay ka mid yihiin Korneelo iyo Taliyayaal ayaa waxaa qabtay ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaa oo ku u gudbiyay xarunta hay'adda sirdoonka si baaritaan loogu sameeyo.

Sida qorshuhu ahaa Askartan ayeey aheyd in laga masaafuriyo dalka Jabuuti Arbacadii toddobaadkan, si rasmi ahna looma oga in qorshahan uu dhaqan galay iyo in kale.

Tallaabadan ayaa timid iyada oo xaalad kacsanaan ah  ay ka jirto gobolka Ismaamulka Tigray-ga kaddib markii Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya uu ku dhawaaqay howlgal militari.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]














Click here
11/6/2020 7:29 AM EST
Jimco, November, 05, 2020 (HOL)- Dowladda Uganda ayaa kala baxday Soomaaliya qeyb ka mid ah ciidamadooda ka tirsan howlgalka midowga Africa AMISOM.

11/6/2020 7:16 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL)- Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo qeybo ka mid ah gobolka Galguduud gaar ahaan deegaanka Bulacle ku dhaxmaraya ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga Ururka Al-shabaab.

11/6/2020 6:46 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Turkiga ayaa siiyay ku dhowaad 3.4 milyan oo deyn ah oo Soomaaliya ay ku leedahay Sanduuqa Caalamiga ah ee Lacagta Adduunka (IMF), iyada oo qayb ka ah dadaallada la bilaabay horaantii sanadkan si looga cafiyo deymaha culus ee dalalka dakhligoodu hooseeyo.

11/6/2020 5:45 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya xiligan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa xoogga Al-shabaab uu ka soconayo deegaanka Bulacle.

11/6/2020 2:19 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay halkaa ka waddaan dhaqdhaqaaqyo militari oo ka dhan ah xoogagga Ururka Al-shabaab.

11/6/2020 1:37 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Wali waxaa ka socdo qaar ka mid ah gobollada Mareykanka tirinta codadka doorashada madaxtinimo ee 3-dii bishaan November, ka dhacday Ameerika. Taasoo ay ku loolamayaan madaxweynaha mudo xileedkiisu uu dhammaaday Donald Trump oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga iyo Joe Biden oo horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, matalaayana Xisbiga Dimuqraadiga.

11/6/2020 12:07 AM EST
Jimco, November, 06, 2020 (HOL) - Xiisada u dhaxeysa Xukuumadda Dhexe ee Itoobiya iyo ismaamulka Tigray-ga ayaa u muuqata mid cirka isku shareertay, iyadoo hadda laga cabsi qabo in ay Itoobiya gasho dagaal sokeeye.