4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 6 , 2020
Dagaal ka qarxay qeybo ka mid ah gobolka Galguduud

 

Jimco, November, 06, 2020 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya gobolka Galguduud ayaa sheegaya xiligan dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa xoogga Al-shabaab uu ka soconayo deegaanka Bulacle.

Dad ku sugan gobolka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku yahay xooggan oo ay dhacyadu isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, lama oga wali khasaaraha rasmiga ah.

Dagaalka labada dhinac ayaa ku soo beegaya xili qeybo ka mid ah gobolka ay dhaqdhaaqyo militari ka waddaan ciidamada dowladda oo in ay ka saarayaan deegaannada ay gacanta ku hayaan.

Wixii ka soo kordha dagaalka waan idin soo gudbin doonnaa..

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]