4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 5 , 2020
Dowladda Itoobiya oo xaalad degdeg ah ku soo rogtay gobolka ismaamulka Tigray-ga

 

Khamiis, November, 05, 2020 (HOL)-  Dowladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo lagu soo rogay gobolka Tigray ee Waqooyiga dalkaasi Itoobiya, kaddib markii Ra'iisal Wasaare Abiy Ahmed uu  amray ciidanka difaaca Qaranka in ay talaabo malatari  ka qaadaan  TPLF oo ku eedeysan in ay weerarreen saldhigyo ciidan.

Warar soo baxaya ayaa sheegay in hadda gobolka laga jaray Internetka iyo Telleefoonka gaar ahaan magaalada Mekelle. 

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in xumumadda uu dulqaadkii ka dhamaaday kaddib markii Tigray-gu soo gudbeen sida uu hadalka u dhiggay.diilanta Cas.

Tan iyo markii uu xafiiska  la wareegay Abiy Ahmed sanadkii 2018 xiriirka Tigray iyo dowlada Federaalka ma ahayn mid wanaagsan, waxaana marar badan dhacay isku dhacyo dhaxmaray ciidamada iyo dad ka soo horjeeda dowladda.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]