4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Musharax madaxweyne Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo lagu xiray Hargeysa

 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ciidamada Nabadgalyada Somaliland xireen xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya dhinaca kalana ah musharax madaxweyne oo u taaggan doorashada 2020-21 ee Soomaaliya.

Khaalid Foodhaadhi oo ka mid ah wariyayaasha Somaliland kuwooda ugu caansan ayaa warbaahinta u sheegay in Mustaf Duxuloow lagu xiray Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kaddib markii ay caga-dhigtay diyaarad uu la socday.

Lama oga halka uu ku wajahnaa safarka xildhibaanka, hasse ahaatee waxaa wararku sheegayaan in hadda lagu dhax hayo saldhig ku yaala gudaha Garoonka

Mustaf Dhuxuloow ayaa ka mid ahaa musharixiinta dhawaan shirka ugu soo dhamaaday magaalada Muqdisho, Mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca xukuumadda Soomaaliland oo la xiriira xariga xildhibaan Mustaf Dhuxuloow oo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]