4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Nov 29, 2020
Dowladda federalka oo ku eedeysay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay masuul ka yihiin dib u dhac ku yimaada doorashada
 

Axad, November, 29, 2020 (HOL) - Wasiirka warfaafinta dowladda federalka Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay masuul ka yihiin dib u dhac ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta oo ka qeyb galayay kulan dood wadaag ah oo arrimaha doorashada looga hadlayay, ayaa sheegay dowladdu in ay ka la’dahay qaar kamid ah dowlad goboleedyada in ay soo buuxiyaan xubnihii guddiyada doorashada ee laga sugayay.

“Gaabis kaste oo ku yimaada doorashada, xukuumadu wax lug ah kuma lahan sidii loogu talo galay ayay u maareeysay, ayuu yiri wasiirka warfaafinta.  

Hadalka wasiirka warfaafinta ayaa kusoo beegmaya, iyadoo kowda december ay ku beegan tahay xilligii lagu heshiiyay in ay dhacdo doorashada aqalka sare.

Khilaafka ka taagan guddiyada doorashada ayaa Qatar ku ah in ay doorashada ku qabsoomto waqtigii loogu talo galay.

Dowladda iyo dhinacyada mucaaradka ayaa isku eedeeynaya inuu kan kale masuul ka yahay in doorashada waqtigeeda ku dhici weydo.
   
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]