4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 28, 2020
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan degdeg ah ugu yeeray Hay’adaha Amniga
 

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan degdeg ah isugu yeeray laamaha amniga ayaa ka dhageystay warbixin la xiriirta amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyey laamaha ammaanka in ay waajib ku tahay ilaalinta nafta iyo maalka bulshada, iyagoona sii xoojinaya dadaallada ay ku sugayaan amniga caasimadda.

“Waxaa laga sugayaa Hay’adaha Amniga in ay sii dardar geliyaan dadaallada lagaga hortagayo falalkan xasuuqa ah ee cadowgu ay soo maleegayaan. Argagixisadu waa sii tabar darreynaysaa maalinba maalinta ka danbeysa kaddib markii ciidamadeenna geesiyaasha ah ay si mugleh uga shaqeeyeen amniga xilli aan furnay jidadkii magaalada.”ayuu yiri Rooble

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka dhegaystay Wasiiradda Amniga iyo Taliska Ciidanka Xoogga dalka warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada lagu xoojinayo, isagoo faray in la sii dardargeliyo si aysan cadowgu ug afaa’iideysan.

Masuuliyiinta ayaa la wadaagay Ra’iisul Wasaaraha Gurmadka Caafimaad ee loo fidideyey dhaawacyadii qaraxii naf-hallignimada ahaa iyo dadaalkii ballaarnaa ee lagu bixiyay sidii loogu heli lahaa gargaar caafimaad oo dhammeystiran.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle uga baryey in uu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaan dadkii ku dhaawacmay falkii xalay ka dhacay maqaayadda jalaato Devino, isaga oo sidoo kalena janno iyo naxariis ugu duceeyey dhallinyaradii Soomaaliyeed ee ku shahiiday, ehelkoodana uga tacsiyeeyey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]