Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay Qarax lagu weeraray xalay maqaaxi ku taala Muqdisho

Cabirka Farta

 Wararkii ugu danbeeyay khasaaraha ka dhashay Qarax lagu weeraray xalay maqaaxi ku taala Muqdisho

Sabti, November, 28, 2020 (HOL) - Waxaa kordhay tirada dhimashada ka dhalatay Qaraxii xalay lagu weerarray maqaaxi lagu iibiyo Jalaatada oo ku taala Waddada xiriirisa KM4 iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Ilaa 8 ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen qaraxn uu fuliyay oo ismiidaamiye ah oo gudaha u galay maqaaxida oo watigaasi ah aheyd mid mashquul ah.

Qofka weerarkan geystay ayaa la sheegay in uu xoog ku jiiray waardiyihii joogay goobta  islamarkaana si deg deg ahna u fuliyay qaraxa.

Dowladda Soomaaliya iyo xisbiyada mucaaradka  ayaa cambaareeyay falka lagu qarxiyay dhalinyaradan, waxaana ay ku baaqeen midnimo iyo in la xoojiyo dagaalka Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]