4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Nov 27, 2020
Kulan xasaasi oo Ceelgaal ku dhexmaray Odayaasha dhaqanka Beelweynta Xawaadle iyo Hogaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan


Jimco, November, 27, 2020 (HOL) - Odayaasha iyo waxgaradka Beelweynta Xawaadle ayaa galinkii dambe ee maanta kulan xasaasi ah kula qaatay deegaanka Ceelgaal oo qiyaastii Baledweyne kaga beegan dhinaca Waqooyi Bari ilaa 13 KM Hogaamiyaha Golaha Samata Bixinta Hiiraan Janaraal Abuukar Warsame Xuud.

Kulanka dhexmaray Odayaasha Dhaqanka Beesha Xawaadle iyo hogaamiye Janaraal Xuud ayaa ka dhacay deegaanka Ceelgaal oo fariisin u ah ciidamada Golaha Samata Bixinta Hiiraan waxaana looga hadlay xaaladahii ugu dambeyay ee gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa la sheegay inuu ahaa mid lagu dhiiragalinayo dhaqdhaqaaqyada ciidan ee Golaha Samata Bixinta Hiiraan iyo sidii beesha Xawaadle aay ugu midoobi laheyd raadinta xaquuqda Hirshabeelle kaga maqan beesha iyo badbaadinta shacabka reer Hiiraan sida uu Shabakadda HOL u xaqiijiyay mid ka mid ah waxgaradkii kulankasi ka qeyb galay.

Golaha Samata Bixinta Hiiraan ayaa si aad ah uga soo horjeestay dhismaha Hirshabeelle waxayna si cad u diidan yihiin imaatinka madaxweynaha Hirshabeelle iyo jiritaanka maamulka Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]