4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 25, 2020
Ra'iisal Wasaare Rooble'' Waan la hadleynaa dhinacyada tabashada ka qaba guddiyada doorashada

 

Arbaco, November, 25, 2020 (HOL) -Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble  ayaa sheegay in musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee walaaca ka muujiyay Guddiyada doorashooyinka Qaranka uu diyaar u yahay in uu kala hadlo guddiyada iyo wax loo idmaday.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in guddiyadu ay yihiin kuwo ku imaaday heshiiskii siyaasadeed ee Muqdisho ay ku gaareen Dowladda Federaalka, dowlaha xubnaha ka ah iyo maamulka gobolka Banaadir, isagoo xusay in mas’uuliyadda culus ee loo igmaday uu ka rajeynayo in si daacad ah ay u gutaan.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga wadashaqeeyo sidii dalka looga saari lahaa marxaladda kala guurka oo guddiga loo xilsaaray.

Ra’iisal Rooble ayaa caddeeyay inuu musharaxiinta kala hadli doono cabashooyinka si uu u fahamsiiyo guddiga iyo shaqada hortaalla.

“Waxaa jiro rag walaalahey ah oon si fiican u garanayo oo musharaxiin ah oo walaac ka muujiyay guddiyadaas lasoo magacaabay,waxaan walaalahey ka codsanayaa in aan diyaar u ahay mar kasto sidii aan u fahamsii lahaa, si walaaltinimo ku jirtana aan ulana tasha lahaa waxa la soo magacaabay in ay yihiin wax macno leh oo ummadda ka gudbinaya doorashooyinka una gudbinaya xukuumad cusub”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa dhaliilsan habka loo soo xulay Guddiyada Doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, iyagoo tilmaamay in ay ku jiraan shaqaale Dowladeed iyo ciidamo ka tirsan NISA.

Cabdiraxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]